XIKMAD QAALI AH
”Qofka maqlay Qur’aanka ee aan qushuucin, dembiga xusuustay ee aan murugoon, cibrada arkay ee aan waxba ku qaadan, masiibada maqlay ee aan xannuun dareemin, culimada la fadhiistay ee aan waxba ka baran, saaxiib la noqday kuwa caqliga badan waxna aan ka fahmin, wax ka akhristay dadka magaca leh waayahooda balse aan hammigiisu dhaqaaqin, kaasi waa xayawaan u nool inuu wax cuno waxna cabbo xittaa haddii uu yahay insaan kuu jawaabaya marka aad la hadasho”.
Sidaas waxaa yiri Alle ha u naxariisto Dr Mustafe Al-Siba’i, oo ahaa siyaasi iyo aqoonyahan sharci yaqaan u dhashay dalka Suuriya.
0 Comments