Welwelka iyo tiiraanyada,waa bur burka nafta bani aadamka, waa cudur halis ah, daal iyo quus ayuu nafta dhaxalsiiyaa, Shalaytada iyo haaraanka ayuu dabeecad kaaga dhigayaa, waa Shaqada shaydaanka inuu Muslimiinta welwel geliyo, waxaa nabiga SCW ka sugan inuu ilaahay ka magan gali jiray HAMIGA IYO XUZNIGA,

Labadaba ILAAHAY KA MAGAN GAL qalbiga qofkay dilaan, talada iyo go’aankana ka qaadaane.
Qofka muslimka ah ee diinta macaanka badan ee islaamka ilaahay ku manneystay culeys kasta oo uu la kulmo marnaba ma niyad jabo, ma murugoodo,ma quusto, ma dhaco mana dheeliyo, sidee buu u quustaa iyadoo qur’aanku leeyahay:
}وَلَا تَيْئَسُوا مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِنَّهُ لَا يَيْئَسُ مِنْ رَوْحِ اللَّهِ إِلَّا الْقَوْمُ الْكَافِرُونَ{ [يوسف:87].
“Ha ka rajo dhigina naxariista Eebbe, naxariista Eebbe waxaa un ka quusto kuwa aan rumeynin Eebbe”.
Fadlan, Walaal adiga oo mahadsan Share dheh, oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan