Wax ka ogow Qaybo ka mid ah nolosha gaarka ah ee Kim Jong Un
Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Kim Jong Un waa 32 jir dalkaas hadda xukumayey 10 sano. Kim wuxuu u adeegsadaa degaan ahaan 15 guri oo aad loo ilaasho kuna kala yaal dalka oo idil, inta badanse aan si fiican xog looga aheyn dhab ahaan halkay ku yaalliin arrimo amni dartood.
Cunnada
iyo Cabbitaanada
Kim cunno ahaan wuxuu jecel yahay oonta badda (Sea food) gaar ahaan kalluunka madow ee aalaa laga helo badda Kasbiyanka (Caspian sea). Kim wuxuu aad ugu dhintaa mar kastana aan agtiisa laga waayin oo uu jecelahay inuu cuno haambeegar iyo Biisa (Hamburger & Pizza). Halka, cabbitaannada uu aad u jecel yahay lagu sheegay khamriyo lagu kala farsameeyo faransiiska iyo Ruushka oo lagu kala magacaabo Champagne iyo Vodka siday u kala horreeyaan. Kim, isagoo miisaankiisu aad u badan yahay haddana wuxuu jecel yahay oo loo keenaa burcad badan kaasoo lagu farsameeyo dalka faransiiska.
Kafeega looga keeno waddamo
ka tirsan Laatiin Ameerika ayaa la sheegaa inuu sannadkii ku kharash gareeyo kumannaan
kun oo dollar maadaama Kim uu aad u jecel yahay cabbistiisa. Isagoo sidoo kale
aad u qabatimay sigaar lagu sameeyo dalka ay colka yihiin ee Maraykanka.
Hilib jaceyl aad u daran!!!
Kim wuxuu sidoo kale jecel yahay hilibka iyo maraqa
inuu isugu roonaado maalin kasta, isagoo jaceyl uu ka qabo dartiis maraqa loogu
soo shubo saxan weyn ama dhawr jeer ku ceshada. Hogaamiyaha
Kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay inuu qabatimay hilibka Japan, kaas oo ah mid
aanan badanaa la helin oo aad qaali u ah iyadoo xoolahaas laga helo aagga
Wagyu.
Hilibkaas waxaa badanaa loo yaqaan "Hilibka Kobe" - Kobe: waa magaalo hilibkaas laga helo. Japan-na waxa ay leedahay hannaan gaar ah oo lagu dhaqo xoolaha taas oo hilibkooda ka dhigtay mid qaali ah oo dhadhan gaar ahna leh.
![]() |
Nin aamus badan
Ugu dambeyn. Kim maahan nin hadal badan, xataa mararka uu
la hadlayo warbaahinta isagoo hawada jawaab u marsiinaya waddamada reer
galbeedka ee xifaaltanka siyaasadeed kala dhexeeyo.
Gun iyo Gunaanad
Waxa aad u la yaab ah
dhammaan badeecadaha Hoggaamiyaha
Kuuriya uu isticmaalo sida cuntooyinka, cabbitaanada, Lebbiska iyo waxyaabo
kale oo badan waa kuwo dhammaantood lagu sameeyo dalalka ay sida daran isaga
soo horjeedaan.
Balse, jaceylka naftiisu
ay u qabto darteed maadaama uu muddo badan Switzerland arday ka ahaa oo
yaraantiisii uu la qabsaday ayaa ku sababtay inuu aad u jeclaado,la’aantoodna
uusan joogin karin laguna kharash gareeyo boqolaal kun dollar in la soo dejiyo
badeecooyinkaas.
Xigasho: BBCSomali



0 Comments