Maxaa keena in Ilmuhu diido nuugmada Naaska Hooyada?


𝐃𝐢𝐢𝐝𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐧𝐚𝐚𝐬𝐧𝐮𝐮𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 waxa sababo waayo-aragnimo xun oo jirto, sida cadaadiska madaxa laga saaro 𝐢𝐥𝐦𝐚𝐡𝐚 ama isbeddelka dhadhanka caanaha tusaale ahaan. haddii ay jirto caabuq ku dhacay Naasaha hooyada .

Hadda, marka ay dhacdo inuu cunuggii/ilmihii diido inuu nuugo/jaqo naaskii, maxaa la gudboon hooyada oo loo baahan yahay inay sameyso?

  1.  Ha ku khasbin cunugga inuu naaska jaqo
  2. Sidoo kale hana isku dayin inaad ku qasabto afka inuu furo ama hoos u jiido garka canugga, tani waxay ka dhigeysaa cunugga inuu diido.
  3. Ha qaban madaxa ilmaha
  4. Ka fogow inaad siiso masaasad.
  5. Ka eeg ilmaha calaamadaha jirro ee carqaladeeya nuugmada, sida nabraha afka
  6. Geey ilmaha xarumaha caafimaadka si loo daweeyo haddii uu buko.
  7. Habsii oo ha istaabtaan jirka ilmaha iyo hooyadu.
  8. U oggolow ilmaha inuu isku dayo mid ka duwan
  9. Sax hab nuujinta ilmha ama boosaska naasnuujinta.


Xigasho: 𝐃𝐫 F𝐚𝐫𝐢𝐬 𝐀𝐥𝐚𝐭𝐭𝐚𝐬