MASAYRKİİ DİLAAGA AHAA!.


Waxa aan ayada oo roob da'ayo, makhrib ay tahay, funaanadii aan qabayna ay igu qoyday aan kusoo leexday meel qaxwaha iyo cabitaanka lagu cabbo oo wadada dhinaceeda ah. Albaabka markii aan saas uga soo galay ayaan isha ku dhuftay isaga oo la fadhiya gabadh kale, afkana ka tirtiraya, wadnaha ayaa igu dhawaaday in uu shaqada joojiyo shoogii aan ka qaaday, daqiiqado yar kahor ayuu igu lahaa markii aan taleefanka ka wacay "Waa aan xanuunsanayaa oo maanta dibadda uma soo bixin.


"Aniga oo bartii taagan eegayana wali oo rumaysan la' waxa indhahaygu arkayaan ayay inta naagtii qaaday xabad buskut ah oo ku jirtay saysar hortooda yaallay afka u galisay, markii uu afka kala qaaday si uu u jabsado ayuu indhaha igu dhuftay, aniga oo arkaya ayay indhihiisii u ekaadeen kuwa aan shaqaynayn. Maryahayga oo qoyanaa darteed waxaa iga dhibcayay biyo, dhulka ayay dhibic dhibic ugu dhacayeen aniga oo hoos u eegaya dhibcaha biyaha ee surweelkayga ka da'aya ayaan arkay dhibic wayn oo illin ah oo ishayda kasoo dhacday oo dhulka ku tibiqday. Lugta ayaan saaray meeshii ay illintu ku dhacday horay ayaan usii dhaqaaqay oo waxa aan u jihaystay dhanka suuliga.

Wali waa uu i eegayay isaga oo malaha ka dhursugaya ficilka aan samayn doono. Suuligii ayaan galay, waxa aan xoogaa iska qallajiyay biyihii, muraayadda ayaan wajigayga ku eegay mise aad baan u dhalaalayaa kaliya indhahayga ayaa illini ka buuxdaa!. indhakuul iyo rooseeto ayaan kala soo baxay boorsada, illintii inta aan ka qalajiyay ayaan si qurux badan kor iyo hoosba uga mariyay daliig madow oo siman! Aniga ayaaba ka helay marka uu is dhex galay caddaanka ubucda ishaydu iyo madowgii indhakuushu.

Bushimahaygii oo aan mariyay kalar gaduud xigeen ah ayaan muraayadda u dhoolacadeeyay mise ilkahaygii xad-dhaafka u cadcadaa xoogaana yara qasnaa waxa ay rooseetadu u yeeshay soo jiidasho xad dhaaf ah. Timahaygii oo markii hore kor isugu xirnaa roobkuna yara qooyay ayaan furay, waxa ayba yeesheen jacdad rabbaani ah oo u siyaadiyay qurux dheeri ah! illaa garbaha ayaan sidaas u sayriyay aniga oo laafyoonayana albaabkii suuliga ayaan kasoo baxay.

Aniga oo isleh waa ay baxeen ayaan soo baxay mise meeshoodii bay fadhiyaan isaga gacantiisa oo korsaarnayd gacanteeda oo miiska saaran ayaan eegay, waa uu jaraynayay sidii qof qarqaryo darani hayso. Waxa aan istaagay qeybta dalabka laga dhiibto waxa aan dalbaday labo koob oo kafee aan waxba lagu darin ah. waxa aan fariistay kursi ku aaddan ayaga isaga wajigiisana ku beegan! gabadhu aysan i arkayn ee uu isaga oo kali ahi i eegi karo.
kafeegii marka la ii soo dhigay ayuu ninkii kabalyeeriga ahaa iisoo dhigay bahasha sigaarka lagu damiyo isaga oo i leh waqti wacan qaado.

Xilligu waa xilli qabow dadka badankooduna sigaar ayay cabayaan oo ay dhaxanta iskaga kicinayaan. Maba xasuusnayn in aan sigaar cabi jiray ee ninkii baa i xasuusiyay, waxa aan ka eegay boorsadayda bal in aan soo qaatay baakadkaygii markii aan soo baxayay. Nasiib wanaag waa aan watay.
Labada lugood ayaan isku korsaartay si is dhaaf ah, indhahayguna isaga indhihiisa ayay ku beegnaayeen, waxaa ii muuqanayay faraheeda oo garkiisa salaaxaya marmarna afka buskud u galinaya. İsagu waxa uu u muuqday qof aan aad ula dhacsanayn, marka aan leeyahay aan aad ula dhacsanayn kama wado gabadha ayaa uusan la dhacsanayn ee waxaa khalkhal ku ridday marxaladaan uusan filayn.

Sigaarkii ayaan daartay, naqaska ayaan hadba jiidaa aniga oo dhankiisa usoo tufaya, si kasta oo uu iskugu dayo in uusan isoo eegin oo uu indhihiisa ku jeediyo gabadha hortiisa fadhida haddana waa uu ku guuldarraysanayay. Koobkii koowaad oo kafeega ahaa ayaan dhamaystay, markaas baan ninkii kabalyeeriga ahaa gacanta u taagay, aniga oo cod xoogaa la maqli karo ku leh, "Kafeegaan waa uu qaboobaye iga qaad, qof ayaan u dalbay qofkii baa kasoo habsaamaye, aniga igu qor lacagtiisa kadibna daadi, anigana mid kulul ii keen hadda". Si yaab leh ayuu wali ii eegayay, ma aqaan in uu fahmay macnaha hadalka aan ka waday iyo inkale danse kama aanan lahayn fahankiisa.

Gabadhii baa kacday oo u dhaqaaqday dhanka musqusha, Hoos ayuu eegay oo uu taleefankiisa isku mashquuliyay malaha waxa uu u qabay in aan u imaan doono, aniga oo masayrsan ama waydiinaya waxa ay naagtani ahayd. Xabad kale oo sigaar ah ayaan ku shitay isla fadhigii, waxaa ii yimid kafeegii waan cabay isaga oo sidii u kulul. Waan hubaa oo niyadiisa waxaa ka guuxaysay maxay kula damacsantahay?! Waa ninkee ninka aan sidaas u fakarayn marka ay horfadhido saaxiibtiisii ay dhowrka sano xiriirka lahaayeen isaga oo la fadhiya naag uu hoosta ka shukaansado. Dabci ahaan waxa uu igu ogaa in aan ahay qof aad u masayr badan, marwalba oo ay ku aragto wax khaldanna aan ka aamusine dhahda waxaan aad samaysay kama heline maxay yihiin ii sharrax! Falcelintaydu waxa ay ku noqotay wax uusan maarayn karin, caqligiisana ka wayn.

Gabadhii marka ay saas usoo fariisatay ayaa Albaabka waxaa kasoo galay, wiil kale oo aan korka iska garanaynay balse aysan isku dhawaansho saas ahi naga dhaxayn, sidii uu usoo socday ayaa uu i yidhi "Samo, kaligaa baad fadhidaaye ma lagula fariisan karaa?". inta aan u dhoola caddeeyay ayaan labadaydii lugood oo isa saarna inta kala dajiyay tii bidix waxa aan sidaas ugu durkiyay miiskii dhinacayga yaallay aniga oo leh soo fariiso. Wiilkii marka uu soo fariistay isagu waxa uu arkayaa aniga oo wiilka wajigiisu uma muuqdo sidii aniguba aanan u arkayn wajiga gabadha.

Niyadda ayaan iska idhi "Marka nimanka aad naftaada u hibaysid ay ku xumeeyaan, maxay si kadis ah ugu soo baxaan kuwo booskooda lagu baddali karo!". Haddana intaan niyadda ka qoslay baan idhi "Waaba sababtaas sababta nimanka badani u jiraan, haddii kale waxaa lagu khasbanaan lahaa in meel loogu xirnaado kan qalbigaaga jabiya". kabalyeerigii ayaa markale yimid oo wiilkii ka qaaday dalabka markaas baan anigu mid saddexaad u dirsaday! Aniga oo lasoo baxaya sigaarkii 3xaad ayaan wiilkii inta usoo taagay baakadkii idhi ma cabbaysaa?! intuu qoslay buu yidhi "Anigu ma cabbo sigaarka."

Niyadaan iska idhi waa nin noocee ah ninka aan sigaarka cabbin, waxbase igama qusayne waan shitay, waxa aan arkayay in uu dhibsanayo sigaarka aan ku cabbayo meesha inkasta oo dadka meesha ku jira oo dhami wada cabayeen. Aniga oo kalabar marinaya ayaan damiyay ixtiraam aan u muujinayay dartiis! İxtiraamse igama ahayne inta uu u adkaysan waayo in uu iga agkaco ayaan ka cabsi qabay.

Kafeegii markii sidaas loo soo dhigay, ee uu ninkii kabalyeeriga ahaa dhinacayga usoo durkiyay koobkii ayaan qaado is idhi qaadashadii aan qaatay, ayaan marka uu la simanyahay bowdyahayga sii daayay! Kas miyay iga ahayd, kama' miyay ahayd mise masayrka iga batay baa sababay ma kala qeexi karo! Qeyladii aan qayliyay dadkii oo dhan baa isoo wada eegay, waan gubtay oo si daran baan u gubtay, qofkii ugu horreeyay oo dhankayga soo eega waxa uu ahaa Ninkii sababta u ahaa in waxani igu dhacaan ee naagta la fadhiyay.


Wiilkii ila fadhiyay isagana lama filaan bay ku noqotay oo waa uu naxay, gacanta ayuu i qabtay isaga oo dhanka suuliga ii waday si'aan biyo qabow ugu soo shubo! Marka aan usii dhownahay Albaabka suuliga ayaa waxa aan dareemay qof igu dhagay gacanta oo ileh anaa ku wadaya! Anoo ka naxay oo aan filayn baan dhankiisa inta u jeensaday idhi "Maxaa rabtaa adiguna?" intaas markii aan idhi ayay naagtii oo daba ordaysaa tidhi "War maxaa kaa khaldan, soo aniga ilama aad socon?". "Jawaab kuma siin karo" ayuu si deg deg ah u yidhi. Wiilkii aniga ila fadhiyay iyo gabadhaan maskiinta ahiba meesha waa ay ku wareereen Aniga iyo İsaga oo kali ah ayaa ogayn waxa isu sawiray ee uu usoo cararay markii aan suuliga gali rabnay!.